Calendar

Baasa boorka dalka Sweden oo la ogaaday inuu yahay kan ugu fiican aduunka +( Warbixin)

BARTAMAHA – baasa boorka ugu qiimaha badan adduunka, waxaana soo raaca baasaboorrada dalalka Finland iyo UK – daraasad dhowaan la sameeyay ayaa sheegtay.

Hal arrin oo ka dhigtay inuu baasaboorka Sweden noqdo mid qiimo badan ku fadhiya ayaa ah in dadka Reer Sweden ay u safri karaan 173 dal iyagoo aan dalban dal-ku-gal ama fiisa.

Hase yeeshee, baasaboorka Sweden waa mid si weyn loogu xad-gudbo. In ka badan 177,000 ayaa loo diiwaan-geliyay in la xaday ama ay lumeen. Kuwo badan waxaa laga saaraa dalka si ay ugu dhoofaan dad doonaya inay galaan Yurub. Dalka Sweden, hadduu uu kaa lumo baasaboorka, waxaad codsan kartaa mid cusub inta aad doonto, adiga oo aan lagu marinayn wax baaritaan ah.

Muhaajiriin badan oo ay ku jiraan dad Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la sheegay inay yihiin dadka ugu badan ee isticmaala baasaboorrada lagu xad-gudbay ee dalka Sweden. Muhaajiriinta ayaa marka ay ka soo degaan garoomada diyaaradaha Sweden ama dalalka kale ee Yurub waxay burburiyaan baasaboorrada ay ku soo safreen, taas oo ka dhigta inay yihiin dad aan dukumeenti haysan.

Dowladda Sweden waxay hadda billowday baaritaan lagu ogaanayo xad-gudubyada lagu sameeyo baasaboorradeeda.

BARTAMAHA TV

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: