Calendar

Dardaarankii ninkii isku qarxiyay Albaabka hore ee xarunta baarlamaanka soomaaliya

BARTAMAHA – Weerarkii Al shabaab maalmo ka hor ka Geesteen Xarunta baarlamanaka Somalia oo ay Fuliyeen Koox ka tirsan Dagaalamayaasha al shabaab ayaa waxaa ragii Fuliyay ka mid ahaa Muqtaar oo ahaa Ninkii ugu horeeyay Ee Xarunta Iridkeeda isku qarxiyay inta uusan is qarxin ayuu la hadlay Warbaahinta afka Al shabaab ku hadasha waxaana uu sharaxay Sababaha uu isku Qarxinayo iyo hadafkiisu waxa uu yahay .
Muqtaar ayaa waxaa uu sheegay in Mar horeba uu ku haminayay in uu is qarxiyo hadana uu helay Fursadaas in uu ku Faraxsan yahay in uu qarax fuliyo ayuuna u sheegay Wariyaha wareysanayay in uu Jano Doon yahay ayuu intaas raaciyay .
Warbaahinta shabaab ayaa dhowr mar waxaa ay Codad ka duubeen Dadka Doonaya in ay is qarxiyaan ka hor inta aysan Fulin qaraxyada iyadoo ka dib warbaahinta lagu baahiyo dhamaantoodna Dadka Codadka laga duubo ayaa ah kuwo sheeganaya in ay is qarxinta Jecelyihiin

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: