Calendar

Burcad Badeed Xukuno kala duwan lagu Riday Dalka Netherland

SOMALIA-PIRATES/TURKEYNetherlands (www.Bartamaha.com):- Maxkamad ku taalo magaaladda Rotterdam ee Dalka Netherlands ayaa jimcihii xukuno ku riday rag burcad-badeed soomaali ah kuwaas oo loo heesto dambi ah in ay afduubteen dooni laga lee yahay dalka Tanzaniya iyo lamaane ka soo jeeda wadanka South Africa.

Labo ka mid ah ragan oo shan ah ayaa waxa lagu xukumay min todobo sano oo xarig ah, halka seddax kale iyana lagu xukumay xukuno ka dabacsan kii horey looga riday labada kale.

Shantan nin ayaa waxa ku xirnaayeen xabsi ku yaala dalka Netherlands tan bishii November 2010-ka

 Waa xukunii labaad oo ay lagu qaado dalkaas kiis ku saabsan burcad-badeednimo.

Lamana ka soo jeeda dalka South Africa ayaa waxa lagu kala magacaabaa , Bruno Pelizzari iyo Deborah Calitz – waxana kooxaha heesta ay dalbadeen $10 million oo dollar.

Si kastaba Burcad-Badeeda Soomaalida ayaa ka dhaliya Malaayin dollar howlaha afduubashadda maraakiibta ganacsiga ee adeegsadda xeebaha u dhow bariga Africa ka dib markii loo siiyo madax furasho ahaan.

W/D: Xafiiska Wararka Muqdisho ee www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: