Calendar

Dab ka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

dabBartamaha (Gaalkacyo):- Dab qasaara baaxad leh gaystay ayaa saacada ka hor ka kacay Magaalada Gaalkacyo Ee G0bolka Mudug.

Dabka ayaa duhurnimadii maanta ka kacay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka gadaal markii Dabka uu qabsaday Xero ay ku noolaayeen barakacayaasha gobolka Hiiraan ee dagan Gaalkacyo.

Dabka oo illaa haatan aan la ogaan sababta dhalisay ayaa waxa uu halaagay dhammaan dhismayaasha ka kooban Cooshadaha ee ku yaala duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Boqolaal booshash ah ayaa ku gubtay dabka maanta waxaana ku gurya beelay dad kor u dhaafaya 200-qoys oo dhammaan daganaa magaalada Gaalkacyo duleedkeeda xerada barakacayaasha ee loo yaqaanay Hiiraan.

Xerada barakacayaasha ee maanta gubatay ayaa waxaa la sheegayaa in ay daganaayeen dad aan haysan meel kale oo ay ka galaan Kuleelka maalinti iyi qabowga habeenkii soo dhaca ka gadaal markii ay ka soo carareen Magaalada Baladweyne  horeyna looga soo raray dhulka Puntland.

Boqolaal qoys ahaa waxa ay maanta yihiin kuwa dibadaha taagan oo aan haysan wax ay ka galaan kuleelka iyagoo aan haysan caawa meel ay qabowga uga gabaadaan maadaama hantidooda iyo dhismayaashii cooshadaha ahaa ay ka gubteen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: