Calendar

Dagaal u dhexeeya islaamiyiinta Mucaaradka iyo Maxkamadihii laga saaray Sh/Dhexe oo goordhaweyd ka qarxay Duleedka Degmada Mahadaay Ee Gobolkaasi.

dagaalBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Maxkamadihii laga saaray deegaanada Gobolkaasi ayaa xili danbe oo galabta ah waxa ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Mahadaay Meel duleedkeeda ah halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Xizbul Islaam iyo Alshabaab.

Wararka aynu ka heleyno degaanka Ciid-Ciid oo degmada Mahadaay u jirta ilaa 12Km xagga Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay welli ka dhacayso rasaasta labada dhinac iyadoo ay ku gabal dhacsadeen labada dhinac dagaalkii galabta ay iskaga horyimaadeen.

Weerarkan ayaa la sheegayaa in ay hogaaminayaan Gudoomiyihii Gobolkaasi ee dhanka Maxkamadaha Dowlada raacsan iyo Hoggaamiye kooxeed can ka ah caasimada Muqdisho kaasi oo shalay ka baxay Muqdisho isagoo ay la socdaan ilaa 10gaari nuuca dagaalka ah.

Lama oga ilaa haatan qasaaraha ka dhashay dagaalka galabta ay iskaga hor’yimaadeen Kooxaha Xizbul Islaam iyo Alshabaab oo isku dhinac ah iyo ciidamada Maxkamadaha Dowlada raacsan oo gacan ka helaya Maleeshiyaadkii Hogaamiyayaasha dagaalka Muqdisho.

Xaalada Gobolkaasi Sh/Dhexe ayaa caawa kacsan iyadoo ilaa galabta ay deegaanka Jowhar ilaa Balcad ay ku sii qolqolayeen Ciidamada kooxda Alshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam kuwaasi oo inta badan ka tagay Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: