Calendar

Dagaalo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Xalay Saqdii Dhexe ka Dhacay Muqdisho.

ugandan-africa-union-au-peacekeepers-carry-ammunitions-surrendered-by-four-major-mogadishu-based-business-companiesDagaalo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay saqdii dhexe waxaa uu ka dhacay Fariisimo Ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkani oo xalay saqdii dhexe ka dhacay isgoyska Kuliyadda Jaale Siyaad oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Burundi ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa bilowday kadib markii xoogaga muqaawamadu ay weerar ku qaadeen halkaasi.

 

Dagaalka oo socday waqti saacad ka badan la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu bilowday  kadib markii weerar lagu qaaday fariisinka ciidamada Burundi ay ku leeyihiin Kuliyaddii Jaale Siyaad waxaana bar barsocday dagaalkaasi madaafiic culus oo ay labada dhinac is weydaarsanbayeen.

 

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay 5-kalen wey ku dhaawacmeen deegaanka Raadeerka ee degmda Deyniile kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah islamarkaana ay waxyeeleeyeen rasaas iyo madaafiic  ciidamada AMISOM ay halkaasi ku garaaceen sida dadka degaanku ay sheegeen,waxaana qofka geeriyooday uu ahaa wiil yar sida uu Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Kuliyadda Jaale Siyaad.

 

Aabaha dhalay wiilka yare ee ku dhintay duqeymaha iyo dagaaladii xalay ka dhacay  Agagaarka Kuliyaddi Jaale Siyaad ayaa Shabelle u sheegay in wiilkiisa uu ku dhintay rasaas wiifto ah oo ku dhacday isagoo ku sugan gurgiisa.

 

Sidoo kale weerar ayaa xalay lagu qaaday fariisin ciidamada Burundi ay ku lahaayeen Jaamacaddii hore ee Umadda halkaasi oo laga maqlay dhawaqa rasaasta iyo  madaafiic ku dhaceysay sida ay Shabelle u shegeen Ilo Madax Banaan oo ku sugan deegaankaasi.

 

Dagaaladaani iyo duqeymahaani xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay imaanayaan xili dhawaan dagaalo xariir ah oo socday todobaad  ay gudaha Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada ku dhexmareen ciidamo taabacsan dowladda iyo xoogaga Muqawamada.

 Shabelle: MUQDISHO

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: