read more »">
Calendar

Roobab dabeylo wata oo ka da’aya Gobolada Bari iyo Mudug

Roobab iyo dabeylo is wata ayaa ka da’aya Gobolada Bari iyo Mudug, iyadoo is bedel xaga cimilada saakay laga dareemayo dhul xeebeedka ku yaala goboladaas, waxaana jira saameyn durba ay ku yeesheen dadka deegaanka.

Sida ay sheegayaan wararka roobabkan dabeylaha wata ayaa wixii ka dambeeyay maqribkii ay ka bilowdeen deegaanada Jariiban, Xaafuun iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bari, waxaana dadka ay ka cabsi qabaan inay dhibaatooyin ay geysteen.

Inkastoo xadiga roobabkan dabeylaha wata sidii horay loo saadaalinayay aanu aheyn, hadana dadka ayaa dareemaya qabow, iyadoo aanay wax cad-ceed aanu jirin, cirkana waxaa dhex ceegaagsan ceeryaamo.

Sidoo kale deegaanada dhul xeebeedka Gobolka Mudug ayaa iyana ay ka jiraan roobab aan dabeylo wadan, balse ay jiraan qabow iyo ceeryaamo, waxaana saaka dadka ay noqdeen kuwo guryahooda aanay soo dhaafin.

Degmooyinka Xarardheere, Hobyo iyo deegaanka Garacad ayaa qabow badan laga dareemayaa, iyadoo ay roobab aan dabeylo wadan ka da’ayaan, waxaana saaka is bedelka xaga cimilada uu yahay mid aad uga duwan sidii hore, isla markaana uu qabow badan jiro.

Wariye ku sugan magaalada Galkacyo ayaa soo sheegaya in magaalada saaka laga dareemayo is bedel cimilada ah, isla markaana qabow uu jiro, xalayna uu da’ay roob aanay sidaa u badneyn, isla markaana aanu dabeylo wadan.

Digniinta ay soo saareen raga qubarada ee ku xeel dheer xaga saadaasha hawada iyo cimilada ayaa ka yar sidii ay saadaalinayeen, hase ahaatee dadka ay walia murugsan yihiin, ayna ka cabsi qabaan inay ku yeelato saameyntii duufaantii Tsunamo ee ku dhufatay qaar ka mid ah dhul xeebeedka.

Shalay ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ka soo saareen digniin ay u jeedinayaan dadka ku nool dhulka xeebaha, inay ka feejignaadaan duufaano laga cabsi qabo inay ku dhuftaan deegaanada kulaala xeebaha.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: