Published On: Wed, Dec 5th, 2012

Diyaarad rakaab oo tagaysa Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne

Share This
Tags

Mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha eek a howl gala wadanka Soomaaliya ayaa bilaabaysa dulimaadyo dheeraad ah oo maxali ah.

Shirkadda Horn of Africa Airline ayaa iskaga dhex socdaali doonto magalooyinka Muqdisho, Kismayo, Baydhabo iyo Baladweyne iyadoona qaadi doonto dadweynaha rayidka ah.

Dhamaan goobaha cusub ee diyaaradan ay bilabayso iney tagto ayaa waxa ku sugan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada kuwaas oo dhawaan ka qabsaday kooxda Al Shabaab oo muddo haysatey, markaas oo aysen jirin wax socdaalo badan ah oo dhinaca hawada oo tagayay.

Dad badan oo aan wali ku kalsooneyn amaanka ku socdaalka dhulka ee goboladda dhexe iyo koofurta Soomaaliya ayaa jira kuwaas oo diyaaradahan ay u fududeynayaan iney tagaan magalooyinka waawayn ee Soomaaliya ee gacanta dowlada ku jira.

Shirkad lagu magacaabo Horn of Africa Airline ayaa ka billowday Muqdisho duulimaadyo joogto ah oo ay ku tagayso degmooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne oo ay ku sugan yihiin ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo duulimaadyadan ay soo dhaweysay AMISOM.

Diyaaraddan ayaa waxay horay uga soo shaqeysay Somaliland iyo Puntland, iyadoona saraakiisha shirkadda ay u mahadceliyay ciidamada AMISOM dadaalka ay ugu jiraan sidii nabad Soomaaliya lagu soo celin ahaa iyo gacansiinta shacabka iyo dowlada.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Mohamed Mascuud is the Editor in Chief of Bartamaha.com and a Contributor to Soomaalo.com. Mascuud is a Young and talented Somali Journalist.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";