Calendar

Puntland iyo Al Shabaab oo is dagaalay

Wararka ka imaanayo gobolka Bari eek a tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in weerar xoogan xalayto lagu soo qaaday xero ay lahayeen ciidamada Puntland.

Weerarka ayaa ka dhacay Sugurre oo 45-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Boosaaso halkaas oo dagan yihiin ciidamo Puntland, waxana kusoo qaaday kooxo ka tirsan Al Shabaab oo ka yimid Buuraleyda Gollis.

Dagaalka ayaa dhex maray labada dhinac kaas oo socday muddo ku dhaw 2-saac, waxana la sheegayaa iney ku dhinteen Afar kamid aheed ciidamadii dagaalamayay halka tiro gaaraysa 7-kalane ay dhaawacmeen.

Ciidamo kale o oak tirsan Puntland oo gurmad ahaa ayaa qarax loo galiyey wadada lala eegtey, iyadoona ay ku dhinteen 5-askari halka 2-kalane ay ku dhinteen isbitaalka way nee Boosaaso oo loola soo cararay.

Maamulka Puntland ayaa bilihii ugu danbeysay waxa uu sheegayay iney firxad badan oo ka tirsanaa kooxda AL Shabaab ay imanayaan deegano hoos taga Puntland isla markaane ay halkaasi isku kooxeysanayaan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: