Calendar

Dowladda Oo Shaacisay in Ciidamo ka tirsan Meleeshiyaadka Shabaab Ee isku soo dhiibeen

ciidamo-DowladdaCeelwaaq/Bartamaha: Saraakiisha dowladda FKMG Soomaaliya Ee degmada Celwaaq Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Meleeshiyaadka Shabaab ayaa isku soo dhiiibeen Dowladda FKMG Soomaaliya.

Taliyaha dowladda FMG Soomaaliya degmada Ceel-waaq ee goblka Gedo Warfaa Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Kooxda AL-Shabaab Ee isku soo dhiibeen Dowladda.isagoo sidoo kale sheegay mar uu la hadlyayWaraabinada Mugadisho in Ciidamo taabacsanaa Kooxda diidan siyaasadda Dowladda Ee Al-Shabaab Ee gaarayeen ilaa 7 Askari iyo Hub wateen Askarta soo goosatay.

“Ciidamo kasoo goostay AL-Shabaab oo gaaraya ilaa 7 Askari ayaa nagu soo biiray, waxayna lasoo baxsadeen Hub, anaga aye na isku soo dhiibeen, Askartana waxay ka mid ahaayeen Askartii Dagaalada Shabaab u matalaye Dagaaladi ka dhacay Degmado Beled xaawo Ee Gobolka Gedo” ayaa laga soo xigtay Taliyaha ciidamada dowladda FMG Soomaaliya degmada Ceel-waaq ee goblka Gedo Warfaa Sheekh Aadan.

Warfaa Sheekh Aadan Taliyaha dowladda FMG Soomaaliya degmada Ceel-waaq ee goblka Gedo ayaa soo dhaweeyay Ciidmadao ka soo goostay dhanka Mucaardaka isagoo xusay in Askarta soo baxsatay ee kusoo wareejiyeen Hubkii ay kala soo goostaeen Kooxda ee ka tirsnaayeen Ee Shabaab.

Saraakiisha ugu sareyso Al-Shabaab wali ma aysan qiran Ciidamada ka tirsanaa oo haatan Dowladda isku soo dhiibay, mana ahan markii ugu horaysay Oo Ciidamo taabacsan Meleeshiyaadka Shabaab isku soo dhiibaan Dowladda FKMG Soomaaliya.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: