Calendar

Dowladda Sierra Leonean oo ciidan u soo direyso Soomaaliya

444444444444444444444(www.Bartamaha.com):- Wasiirka Gaashandhiga iyo Amniga Qaranka Sierra Leone Alfred Palo Conteh ayaa maanta oo arbaca sheegay dowladiisa in ay Soomaaliya usoo direyso hal guuto oo ciidan ah kuwaas oo ka qayb qaadan doona howlaha askarta nabad ilaa linta midowga Africa ay ka wadaan Soomaaliya.

Waxa uu warkan ka sheegay intii u socday kulankii wadatashiga Farsamadda ee AMISOM ee 17-kii ilaa 18-kii bishan August 2011 ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Palo Conteh ayaa sheegay waxa ka socda Soomaaliya ineysan layaab ku ahayn Sierra Leone maxaa yeelay buu yiri si la mid ah 11-sano ayaan dagaallo sokeeye aan dhexjirnay ayuu sheegay

Waxa kaloo uu sheegay intii uu socday dagaalka Sokeey QM in ay u soo daabushay Sierra Leone 17,500 ciidan ah kuwaas oo ku soo celiyay  Sierra Leone xasilooni iyo in caalamka ay la mid noqdaan.

Si kastaba, labo maalin ka hor waxa magaaladda muqdisho ka sheegay in seddax kun oo ciidan dheeri ah in lagu soo daraayo Askarta AMISOM oo hadda gaaraya ilaa 9,000 oo askari wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM Danjire Augustine Fillip Mahiga ka dib markii uu ka qaybay kulankii wadatashiga amaanka oo ka dhacay markii ugu horreysay lagu qabtay magaaladda muqdisho.

Danjire Mahiga ayaa xaqiijiyay in askarta AMISOM la gaarsiin doono ilaa 12-000 oo askari, taas oo dabasocda ansixintii golaha Amaanka QM.

Askarta AMISOM ayaa waxa ay taageero cudud siiyaan dowladda reer galbeedku taageero taas oo dagaallo xooggan kaga furan Ururka Al-Shabaab kuwaas oo oo xiriir dhow la leh Al-Qaacidda.

 

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: