Calendar

Gudoonka Baarlamaanka oo diiday mooshin

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday in baarlamaanka ay ka doodaan mooshin ku saabsanaa heshiiskii ay dhawaan gaareyn dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Kulan ay maanta ku yeesheen magalada Muqdisho ayaa Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa baarlamaanka ugu sheegay in dowladda ay u madax banaan tahay arimaha siyaasadda dalka.

“Mooshinkaas lagama yaabo inaan idin hor keeno, mana aqbali doono hadii aad noo soo gudbisaan inaan gudoonka usii gudbino” Ayuu yiri Mahad Cawad.

Cawad waxa uu xusay in baarlamaanka ay dalban karaan iney horyimadaan shaqsiyaadkii dowladda u matalayay heshiiska am aka masuulka ahaa balse aysen heshiiska aysen ka hadli kareyn.

“Barnaamijka xukuumadda ee la meel-mariyay 13-kii Novmber 2012, wuxuu xukuumadda siinayaa awood ay ku qabsato howlaha siyaasadda dalka, sidaa daraadeed golaha baarlamaanku ma faragelin karo howlaha xukuumadda ee dhinaca siyaasadda,” ayuu raaciyey Cawad.

Xubno ka tirsan baarlamaanka uu ku jirey Ra’isal wasaarihii hore ee dowladii TNG-da Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqoonsaday Somaliland isagoona dalbaday in baarlamaanka la horkeeno heshiiska.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: