Calendar

Habeenimadii xalay askar oo ka tirsan ururka al shabaab lugu dilay dagmada mahadaay.

Kadib markii habeenimadii xalay labo askar oo ka tirsan ururka al shabaab lugu dilay dagmada mahadaay dilka kadib markii uu dhacay waxaa isla markii soo gaaray gobta ciidamo ka tirsan koxdaasi al shabaab iyagoo gobtii ka qaaday meedka labada askari ee dilka loo gestay.

 Ururka Alshabaab ee degmadaasi ay saaka bandow ku soo rogay Degmada Mahadaay ka dib markii habeenimadii xalay Labo ka tirsan Alshabaab lagu dilay Degmada Mahadaay. Waxaa la arkayaa ciidamo ka tirsan Alshabaab oo isku gadaamay xaafadaha degmada Mahadaay ee gobalkaasi Shabeelaha Dhexe iyaga oo gabi ahaanba joojiyay dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka

Arinta bandowga ayaa la sheegay inay tahay mid alshabaab ay ku baarayaan guryaha ku yaala degmaadaasi Mahadaay oo ay ku sugan yihiin dadkii xalay dilka geystay ee dilay labo ka mid ah askarta ururka Alshabaab iskastoo dadka degaanka ee inoo xaqiijiyen inee gobta isga baxsadeen raga dilka gestay.

 Lama oga sababta dilka askarta Alshabaab ka dambeysay laakiin wararka ayaa sheegaya in markii askarta la dilay ka dib dadkii falkaasi geystay ay horay u qaaten labo qori nooca loo yaqaan AK47 islamarkaana ay ka baxsadeen goobta falka uu ka dhacay.

Arintaan ayaa ku soo begantay iyadoo Degmadaasi ay mid tahay dagmooyinka shebeelaha dhexe ugu dacda badan tan iyo ilaa markii uu gacanta ku haayay maamulkii max,ed dheere ee mar waliba ee ka dhici jireny falal nocaan oo kale ah.

 Ugu danbeentii dadka ku dhaqan dagmada mahadaay oo xiriiro kala duwan la sameenay ayaa bartamaha u xaqiijiyay dhacda jab ah ee soo gaaray al shabaab iyagoo balan qaaday iney sii wadi donaan ilaa inta aan ka sifeeyno ururka al shabaab gabi ahaan gobalka Shabeelaha Dhexe..

Xafiiska warrka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: