Calendar

Kenya oo sheegtay inat heshay macluumaad ku aadan weeraro lagu qaado magaalada Mombasa

MombasaMagaalada Mombasa oo xarunta gobolka xeebta ee dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa inay ka dhacaan weeraro ay fuliso kooxda Alshabaab sida ay sheegeen ciidamada ammaanka ee dalka Kenya.

Waxayna Kenya shaacisay inay jiraan qorshayaal ay ka war heshay oo Alshabaab ay ku doonayso inay ugu aargudo Sheekh Cabuud Rogo oo 27-kii bishii Ogoosto ee 2012ka lagu dilay magaalda Mombasa kaasoo Kenya ay ku eedaysay inuu gacansaar la lahaa kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Waxaana dawlada Kenya ay ugu baaqday dadweynaha inay hal goob ah isugu soo ururaan xilliyada xafladaha iyadoo Mombasa ay tahay magaalo dalxiis oo ay ku yaallaan baarar waawayn oo ay tamashleeyaan dadka dalxiisayaasha ah.

Taliyaha booliiska Mombassa, Robert Kitur ayaa sheegay in todobaadka soo socda laga yaabo in lagu aadiyo weerarada maadaama ay tahay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegatay dilkii wadaadkaas oo lagu eedeeyay ciidamada Kenya inay toogteen isaga iyo xaaskiisa oo iyaduna ku dhaawacantay weerarkii lagu dilay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: