Calendar

KOOXDA QEYLODHAAN OO SOO SAARTEY HEES MAGACEEDA LA YIRAAHDO ‘’AMBAASADOR MAHIIGA’’

SUDAN USA

Kooxda wadaniyiinta ee Qeylodhaan ayaa soo saartey hees cusub oo la yiraahdo Ambaasador Mahiiga, heestaan cusub ayaa looga hadlayaa qaabka guracan ee beesha caalamka ugu dhaqmayaan xaalada dalka Soomaaliya uu marayo laga soo bilaabo tan iyo markii ay burburtey dowladii dhaxe ee Soomaaliya ka talin jirtey 1991.


Waxaa caado u noqotey beesha caalamka ay ugu horeyso Qaramada Midoobey UN gaar ahaan xafiiskeeda arimaha Soomaaliya (UNPOS) & dalalka dariska IGAD sida  ( Ethopia & Kenya) inay Soomaaliya ku jahwareeriyaan shirar waqti dhumis ah oo lagu kale sii qaybinaayo umadda Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya madax banaanidiis iyo Qaranimadiisa .


Shirka uu garwadeenka ka yahey wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambaasador Mahiga ee lagu wado inuu ka furmo todobaadkaan bartamihiisa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan aysan soo dhaweynin marka laga reebo kooxo si gaar ah loogu adeeganayo oo lagu martiqaadey inay ka soo qayb galaan shirk u sheega, halka ay shacabka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan aysan la dhacsaneyn qaabka beesha caalamka iyo dalalka dariska ah arimaha dalka Soomaaliya u maamulayaan.


Kooxda Qeylodhaan oo ku hadleysa codka shacabka Soomaaliyeed ayaa caawa soo saarey hees cusub oo ay kula hadlayaan Ambaasador Mahiga iyo Qaramada Midoobey oo ku saabsan shirka lagu qabanaayo dalka Kenya.


Heesta waxaa sameeyay erayada abwaan Cabdi Shire Jaamac ‘’Ciyaar Jecel’’, waxaana ku luuqeynaya fanaanka abwaanka Xuseen Shire Jaamac islamarkaana laxanka saarey, waxaana muusikada saarey musikiistaha Mustafa Karaama iyo isku dubaridkii  Maxamed Cabdi Maxamuud Cadde ‘’Afweyne’’


1.MUDANE BAN KI- MUUNOW

UNKA MADAXIISOW


MA OGTAHAY DHIBAATADA

AMBASADOR MAHIGA WADO?

MISE WAABAD LA OGTOO


MIISKUU GARAACAAD

KA MAQSUUDAY ADIGUNA

IN AAN MADAX BANNAANOO

QARAMMADA MIDOOBAYNA

MIIS AAN KU LEENAHAY

TAAS MIYAAD ILOWDAY

MOWLAHEY MAQLAAYEE

KA MURGOODAY DHIBAATADA

MOORADEENA TAALEE

KOORAS/HOORIS:

SHIRQOOLKA UU MALEEGAAYO

SHIRKA MEESHA LAGU DHIGAYO

MACNAHOODA MAAN GARANE

SOOMAALIDA MEEL KA MIDA IYO

MUQDISHABA  HA LOO RAR

2. BAYDKA 2AA

MALAAYIINTA DOOLARE

MAGACEENA LAGU CUNO

MARDAMBE YEELI MEYNOO

NOOMA MEERINEYSAA

ARDAY MACALINKIISII

LOOXA U MEERINAAYANA

KAMA NOQDO MARQAATIYE

MARBA SHEEKA AAN JIRIN

MAANKEYGU MA OGOLA

HORAY WIXII NA SOO MARAY

SHALUU MARAY KA SOO QAAD

MAATADA DAYACIYO

MADAAFIICDU LEYSAA

MADAXU ILA XANUUNAYE

HOORIS/KOORAS

SHIRQOOLKA UU MALEEGAAYO

SHIRKA MEESHA LAGU DHIGAYO

MACNAHOODA MAAN GARANE

SOOMAALIDA MEEL KA MIDA IYO

MUQDISHABA  HA LOO RARO


Waxaa nasiibxumo weyn ah in 20 sanadood kadib la sii aqbalo jahwareerka ay beesha caalamka ay ku wadaan kuwa xafiisyada ka sameystey magaalada Nairobi iyo Addis Ababa ee sheeganaya inay yihiin kuwa raba inay xaliyaan dhibaatada ka socota dalka Soomaaliya, balse ka taajirey masiibada ka socota Soomaaliya, waxaan hubaa hadii Soomaalida si dhab ah u fekerto ayna  danaheeda garato in laga bixi karo faragalinta qaawan ee shisheeyaha ku haya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dowlad ku sheeg, Baarlamaan ku sheeg, Maamul Gobaleedyo ku sheegyada beelaha iyo Kooxaha diinta ka been sheegaya ee ku qarabanay iyo marka lagu daro kuwa sheegana inay yihiin beesha Caalamka sida UNPOS/UNDP/WFP & IGAD dhamaantood Soomaaliya xal uma wadaan, mana looga fadhiyo inay dhibaatada daba dheeratey soo afjaraan, marka waxaa loo baahan yahey in Soomaalida ka wada tashato danaheeda qaaska u ah iyaga islamarkaana ay badbaadiyaan dadka iyo dalka, waayo 20 sanadood oo kale wax la sii dhawran kara ma harin oo laga sugo u adeege shisheeye iyo ka adeegta dalka burburey.


Heestaan oo muqaal ah waxay soo bixi doontaa dhawaan hadii Allah idmo.


W/D: Yusuf Yusuf

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: