Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo maanta ku baaqay in lala dagaalamo ciidamada uu wato Axmed Max’ed Islaam (Axmed madoobe) oo katirsan Xizbul Islaam.

SOMALIA MILITIA

Bartamaha(Kismayo):- Madaxa warfaafinta maamula islaamiga ah ee magalada kismaayo ayaa mar uu saaka la hadlayay qaar kamid ah warbaahinta ayuu sheegay in ciidamada uu wato Axmed Ma’ed Islaam (Axmed Madoobe) ay yihiin ciidamo doonayo qaab qabiil in ay kula wareegaan magaalada kismayo, isagoo sheegay in aysan u dulqaadan doonin ka maamul ahaa ciidamada yimid magalada oo qal qalka geliyay bulshada waa siduu hadalka u dhigaye.

Sheekh xasan yacquub ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo in ay u istaagaan wax uu ku sheegay difaaca diinta isagoona sheegay in ciidamada ku sugan magaalada ay yihiin ciidamo beeleedyo, islamarkaana doonaya in ay burburiyaan nidaamka islaamiga ah ee ka hirgeliyay qeybo kamid ah dalka soomaaliya.

Afhayeenka maamulka islaamiga ah ee kismaayo sheekh xasan yacquub ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in tan iyo intii ay yimaadeen ciidamada uu wato Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)  oo ah xubin sare oo katirsan ururka Xizbul islaam ay magaaladii gashay Xaalad amaan darro taasoo sababtay buu yiri  in waxyaalo badan oo uu maamulku mamnuucay islamarkaana lid ku ah shareecada islaamka la baneystay isagoona tusaale ahaan usoo qaatay haweenkii ay ka mamnuuceen xirashada dharka baatiga ah, dilalka iyo weliba waxyalo kale oo aan waafaqsanayn ku dhaqanka shareecada islaamka.

Saaka ayaa la arkayay dadweeyne aad ufara badan oo ka qaxaya goobo ay ka deganaayeen gudaha magaalada kismaayo kuwaasi oo raadsanayay meel ay uga badbaadi karaan xabad  hadii dagaal dhaco.

Hadalkan kasoo yeeray Maamulka islaamiga ah ee kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii ugu danbeeeyay diyaar garow dagaal oo aad u xoogan laga dareemayay gudaha magaalada kismaayo iyadoo la arkayay gaadiidka dagaalka iyo weliba ciidamo diyaar garow kujira, waxaana sidoo kale saaka ilbaabad laisugu dhuftay guud ahaan iskuulaadkii waxbarasho ee magaalada iyo goobiihii ganacsiga.

 

Wararka Xaqiida ah kala Soco Bartamaha

Xafiiska Wararka

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: