Calendar

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Warqada Aqoonsida kala Wareegay Safiirka cusub ee Dowladda Canada usoo magacowday Soomaaliya

BARTAMAHA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraqadahii aqoonsiga ee safiirnimo ka gudoomay Safiir Cusuboo ay Dowladda Canada u soo magacaawday Dalkeenna Soomaaliya.

Mr. David Angel oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Canadda u soo magcaawday Soomaaliya ayaa Madaxweynaha u gudbiyey fariiin uu uga waday Madaxweynaha Dowladda Canada. Sidoo kale Safiirka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida looga aqabalay warqadahiisa safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday xoojinta xiriirka labadda Dowladood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyey safiirka cusub. ” Waxaan ka fileeynaa Mr David inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada Dowladood, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay u fududeyso howlahiisa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Canada sid ay u soo dhaweysay Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaasi kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaata dib-u dhiska Dalkood Soomaaliya.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: