Calendar

Qaramada Midoobay oo ka hadashaey Macaluul Laga cabsi qabo inay soo foodsaarto Somaaliya

BARTAMAHA – Madaxa QM u qaabilsan Arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya  Filib Nasaraani oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay xaunta QM ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay Xaalada Bini’aadantinimo  ee Soomaaliya .

Filib Nasaraani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto Xaalad Macaluul ah islamarkaana la mid ah midii Soomaaliya ka dhacday Sanadkii 2011-kii.

Madaxa QM u qaabilsan Arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dalbadeen Lacag Malaayiin ah  si wax loogu qabto Macaluusha ka jirta Soomaaliya islamarkaana aysan wali helin,taas oo uu ku tilmaamay mid Nasiib daro ah.

Waxaa sidoo kale uu sheegay  Filib Nasaraani in Cudurka dabeysha  uu ka jiro Soomaaliya,oo Qeybo ka mid ah Gobolka Mudug laga soo sheegayo Kiisas ah Cudurka Dabashe,waxaase uu intaa ku daray in wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ay Shaacisay in Soomaaliya laga Ciribtiray Cudurka dabeysha.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: