Calendar

Madaxweynaha Somalia oo booqasho ku gaaray Magaala madaxda dalka Uganda ee Kambala

IMG_0026War Saxaafdeed

(Kampala, Uganda , Abril, 08, 2011) Madaxweynaha Somalia Mudane Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku gaaray Magaala madaxda dalka Uganda ee Kambala.

Madaxweynahu  ayaa waxaa Eeraboorka ku soo dhaweeyay saraakiil u horkacayo General Odongo Jeje oo ah Wasiirul Dowlaha Gaashaandhiga iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir Saraakil.


Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiska,, shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdinuur Macalin Maxamed.

IMG_0014


Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Yuganda Mudane Yuweri Museveni . Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay kawada hadleen xaaladahii ugu danbeeyay ee dalka Soomaaliya iyo sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen waxka qabashada amniga dalka Soomaaliya iyo sidoo loo soo afjeri lahaay kooxda argagixisada Alshabaab/ AlQaceeda iyo kuwa ay marin habaabiyeen.


Sidoo kale Madaxweynaha ayaa manta iyo caawa la kulmi doono masuuliyiin sar sare ee katirsan wasaarada armiha dibadda iyo wasaarada gaashandhiga ee Ugandha.


Madaxweynaha ayaa la filiyaa in u sii gudbi doono dalka Burundi asiga oo halkaas u tegi doono howlo shaqo oo quseeyo amniga dalka Soomaaliya.


Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Muqdishu, Somalia

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: