Calendar

Madaxweyne Shariif oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Doorashada Jagada Madaxweynaha Soomaaliya

Shariif1-300x225Muqdisho — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta cadeeyey in uu diyaar u yahay ka qeybgalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Mdaxweyne Shariif ayaa musharaxnimadiisa ka hor cadeeyey in ka badan 200 mudane oo uu maanta ku martiqaaday madaxtooyada kuwaasoo oo u cadeeyey inuu doonayo inuu ka qeybqaato doorashada madaxtinimada dalka.

Sheekh Shariif  oo ka hadlay xaalada dalka uu marayo wuxuu sheegay inuusan isagu diidaneyn doorasho iyo tartan balse ay ula muuqato in waqtiga kooban ee u harsan DKMG oo ah saddex bilood oo kaliya aan lagu qaban karin doorashada madaxweynaha.

Wuxuu ka digay madaxweynaha in dalka uu geli doono burbur hor leh iyo xaalad khatar ah haddii aan deg deg loo xalin khilaafka u dhexeeya hay’adaha dawlada.

Mar uu ka hadlay waqti kordhintii barlamaanka ee mudada 3 sano ahayd wuxuu madaxweyne Shariif cadeeyey in isaga uu u arko mid aan macquul ahayn horana uu warqad uu u diray gudoonka barlamaanka ku sheegay in dib loogu laabto, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in barlamaanka uu dib ugu laabto.


Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: