Calendar

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo kulan looga hadlaayay Aminiga muqdisho la qaatay Taliska Ciidamadda Xoogga

Madaxweyne_Sheekh_Shariif-oo-Darees-Ku-Labisan-466x350Muqdisho (Bartamaha):- Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gelinkii dambe ee shaley waxa uu maagaaladda muqdisho kula qaatay Taliska Ciidammada Xoogga Soomaaliyeed

Kulanka oo ka dhacay carunta Ciidamadda Xoogga ee Villa Baydhabo ayaa waxa looga hadlay sugida amaanka magaalada muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay xeradda waxa waxbixinno la xiriira halka ay marayaan howlaha lagu sugayo Ammaanka Caasimadda uu ka dhagaystay Taliyaha Ciidammada Xoogga Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdu Qaadir Sheekh Cali Diini.

Waxa uu sheegay Mr Diini Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed in Ciidammada Xoogga ay ka go,antahay sidii ay dalka uga dhigi lahaayeen goob amaan ah oo laga saaro dhinacyadda ka soo horjeeda dowladda.

 

Sidoo kale Madaxweynaha kormeerka uu ku maraayay qaybo ka mid ah xarumaha dowladda waxa kaloo uu war bixino ka dhageestay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed General Cabdi kariin Yuusuf Dhegabadan oo kulankii Villa Baydhabo ka qayb galay

Waxa uu Dhaga badan Madaxweynaha u sheegay halka ay marayaan howlgallo ka socda magaalada Muqdisho oo iyagu Ammaanka lagu xaqiijinayo waxaana uu tilmaamay General Dhegabadan in howlahaasi ay marayaan meel wanaagsan.

Si kastaba ugu dambeentii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku amaanay Saraakiisha iyo guud ahaanba Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya sida ay had iyo jeer heegan ugu yihiin in dalka uu noqdo meel ka caagan Al-shabaab iyo waxa la jirra

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay xeradda waca uu socod kumaray qeybaha uu ka koobanyahay Taliska Villa Baydhabo isagoo isla gudaha taliskana kula kulmay Ciidammo u dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyay

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: