Calendar

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka jawaabay eedayntii QM

_ 1 BOGGA WARARKA 600X25Xasan Sheekh_Fowziyo
Muqdisho (Bartamaha) Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiik Maxamuud ayaa iska fogeeyay eedayn Gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan lasocoshada cunuqataynta saran Soomaaliya iyo Eretria ay ku sheegeen in madaywaynaha uu maleegay shirqool lagu lunsaday Hantida Qaranka Soomaaliyeed.

Gudigan ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Shiik, wasiirkii hore ee arimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Xaaji Adam iyo Shirkad Maraykan ah inay lunsadeen hantidii Soomaaliya ee la xiyiray markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu madaxwaynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda hada jirta ee madaxwaynaha ka yahay madaxwayne Xassan Shiik Mohamuud inay dadaal dheer galisay maaraynta hantida qaranka, sidoo kalena aysan ku lug lahay wax isdaba marin oo ka dhan ah hantida shacabka Soomaaliyeed.

 

“Waxaan soo bandhignay dadaal dheeraad ah si aan u horay ugu qaadno maaraynta hantida qaranka, waxaan sidoo kale magacownay Gudiga maaraynta Hantida Qaranka oo loosoo gaabsho (FGC),” ayuu ku yiri Madaxweyne Xassan warbixintan.
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa si qoto dheer uga hadashay lunsashada hantida Qaranka Soomaaliyeed oo lagu xanibay dalalka shisheeye kadib markii ay dhacday dowladi dhexe oo isugu jirta lacag cadaan ah iyo dahab,  waxayna sidoo sheegtay in Madaxwayne Xassan uu kaalin ta ugu wayn ku lahaa arintan sidoo kalena ay kula jireen xubno sar sare oo ay ka mid tahay wasiiradii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Xaaji Aadan, halka shirkad laga leeyahay Dalka maraykan ka laguna magacaabo Shculman Rogers ay ka qaadatay kaalin lixaad leh.

Dhanka kale Wasiiradii hore ee arimaha Dibadda Soomaaliya ee Fowsiyo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay waxbixintan sidoo kalena gudiga ku sheegtay mid warxbixinadiisa ay yahiin kuwa ka fog runta.

Madaxda soo martay Soomaaliya ee dowladdihii kumeel gaarka ahaa ee dalka Soo maray kadib markay burburtay dowladdi dhexe ayaa waxaa lagu eedeen jiray inay ku lug leeyahiin falal musuq maasuqnimo, balse aanan marna aanan lagu eedayn inay ka qayb qaateen shirqool ka dhan ah hantida Soomaaliya.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: