Calendar

Nabadoon Axemed Diiriye ” AMISOM ayaa Masuul ka ah Inuu Xirmo Suuqa Bakaaraha”

BartamahaMugadisho/Bartamaha: Afhayeenka golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa dhaliilay Ciidamada Nabad Ilaalinta Mugadisho Loo keenay isagoo xusay in Dhibaatada ugu weyn Ee Mugadisho ka jirto Ee masuul ka yihiin AMISOM waa sida u hadalka u dhigay.

Nabadoon Axemed Diiriye ayaa Warbaahinada Mugadishu u sheegay in Xirnaashaha Suuqa ugu Weyn Soomaaliya Ee Bakaaraha ee masuul ka tahay Ciidmada AMISOM waxuuna sheegay Nabdoonka in waligiis uu Suuqa Bakaaraha xirmin Dagaal walba oo ka dhaca Gobolka Benaadir laakiin uu Maanta xiranyahay Bakaaraha ayuu yiri Afhayeenka Golaha Dhanqanka iyo Midnimida Beelaha Hawiye.

“Dagaal walba oo ka dhaca Mugadisho kuma xirmin Suuqa Bakaaraha oo ay ku xiranyihiin Kumanaan Soomaali ah oo quud ka raadsato lakin Maanta waxaa xiray Ciidamda AMISOM” ayaa laga soo xigtay Nabdoon Axmed Diiriye Cali.

Waxuu Nabdoonka xusay inuusan Suuuqa Bakaaraha xirmin xilligii Ciidamada Itoobiyaanka Dalka joogay oo xilligaasi Ganacsiga Bakaaraha jiray laakin Maanta uusan Suuqa gabi ahaanba furneyn.

“Waxaa Codsi u diraynaa Dowladda KMG Soomaaliya inay wax ka qabtaan dhibaatada haysata Dadka nolol maalmoodkooda ka hela Suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Nabadoonka Belaha Dhaqanka iyo Midnimida Beelaha Hawiye.

Afhayeenka Beelaah Hawiye ayaa sheegay in Shabaabka ay saldhig u yiiin Bakaaraha laakin ay raali ka yihiin in Dadka Shacabka ay Ganacsigooda iska wataan, Dhibaatada aan uwada jeedno waxaa sababay AMSIOM, oo Shacabka Madaafic aan loo meel dayan ku garaacda ayuu hadalkiisa ku daray Nabadoonka Beelaha Hawiye u qaabilsan,

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: