Calendar

Qasaara uu sababay Dab ka kacay Tuula hoostimaada Degamada Jowhar oo lagu guuleestay Damintiisa.

tuuloBartamaha (Muqdisho):- Dabkan oo xalay ka kacay tuulo ka mida Tuulooyinka hosyimaada Degamada Jowhar Ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sababay qasaare Naf iyo Maalba leh taasi oo uu sababay dabkii xalay ilaa saaka ka holcayay Tuuladaasi.

Dabkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay Siyaar nin uu cabay kadibna dhexdhigay Hoy uu ku sugnaa kaasi oo ka samaysnaa Cooshado iyadoo uu gabi ahaanba dabka uu holciyay Hoygaasi dabadeedna uu ku faafay dhamaan tuuladaasi.

Dabka ayaa gabi ahaanba holciyay ilaa 10-guri ku dhawaad kuwaasi oo ay ku bas beeleen agabyadii dhexyaalay iyo duunaydii ka agdhaweyd qarkeed taasi oo inta la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 15-neef oo nuucyada xoolaha isugu jirta.

Dadka Deegaanka Jowhar iyo tuulooyinka la jaarka ahaa Tuulada Jamaca oo ahayd goobta dabka uu dhinac ka mida ka kacay iyadoo ay saaka si rasmi ah loogu guuleestay in la baqtiyo Holaca dabka oo bixinayay.

Ma aha Dabkii ugu horeeyay ee Tuuladaasi ka kaco iyadoo dhawaan uu dab qabsaday deegaan ku dhow magaalada Jowhar taasi oo ay u gurmadeen maamulka Islaamiga ah Ee Gobolkaasi ka jira xiligan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartamah.Com ,

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: