Calendar

Raisul Wasaare Farmaajo oo Goor Dhoweyd ka Safray Magaalada Muqdisho kuna sii Jeeda Mareykanka

Raisul wasaaraha xukuumada KMG ee Soomaaliya Prof Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhoweyd oo maanta ah ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Safarka raisul wasaaraha ayaa ku wajahan wadanka Maraykanka, balse waxaa uu sii maraya wadanka Kenya halkaasi oo kulamo uu kula yeelanayo masuuliyiin ka tirsan beesha caalamka.

Ujeedada safarka raisul wasaare Farmaajo ee Mareykanka ayaa ka dambeysa kulan toddobaadka soo socda ka dhicui doona xarunta Qaramada Midoobay ee New York kaasoo looga hadlayo amaanka Soomaaliya.

Raisul wasare Farmajo ayaa hadal kooban siiyey saxaafada kahor intuusam ka duulin garoonka Muqdisho wuxuuna sheegay in safarkiisa ku tegi doono New York halkaasoo uu kaga qeybgali doono shir 14-bishan January ka dhacaya magaalada New York kaasoo ay ka soo qeybgalayaan madax iyo saraakiil ka tirsan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Safarka raisul wasaaraha waxaa ku wehliya wasiirka arimaha dibada Maxamed C/laahi Oomaar, Sahro Cali Samatar oo ah wasiiru dowlaha xafiiska raisul wasaaraha iyo C/raxmaan Yariisow oo ah madaxa xiriirka saxaafada ee xafiiska raisul wasaaraha.

Socdaalka raisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu qaato mudo hal todobaad ah, wuxuuna sidoo kale kulamo kale la yeelan doonaa masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Europe oo siyaabo gaar gaar ah ugala hadli doono arimaha Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku talineyso in awood loo adeegsado kooxda Shabaab ee mucaaradka ku ah DKMG Soomaaliya.

Wuxuuna safarkan noqonayaa midkii labaad ee Raisul wasaaruhu dalka kaga baxo tan iyo intii xilka wasiirka koowaad loo magacaabay saddex bilood ka hor.

RBC Radio

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: