Calendar

Soomaali hasyta dhalashada Norway oo lagu dilay dalka Syria

BARTAMAHA – Wargayska Dagbladet ayaa qoray in dalkaasi Syria lagu dilay ruux Somali ah oo heesta dhalashada dalka Norway kaa oo qeyb ka ahaa Kooxda Argagixisada ah (ISIL)ee kadagaalanta dalalka Iraq Iyo Syria.

Ruuxan Magaciisa Website-ku ma’uusan shaacin balse waxaa laxaqiijiyay inuu Mudo Kunoolaa dalka Norway ,dhacdooyinka laxariira dhalinyarada kasoo jeeda dalka Norway ee kubiira Alqaacidada Syria kadibna lagu dil dalkaasi ayaa ah mid Dhowr mar horre soo baxday.

Afhayeen uhadlay Ciidamada Sirdoonka dalka Norway oo lagu magacaabo Martin Bernsen ayaa isagu sheegay in dowlada Norway ay baaritaan kusameendoonto arintaasi balse aysan kawarheenin warka wargeysku uu qoray.

Eskil Sivertsen oo isna Katirsan wasaarada arimaha dibada Norway ayaa sheegay iney heenin macluumaad laxariira arintaasi balse ay dabagal kusameen doonaan.

Ugu yaraan 7-islaamiyiin kasoo jeeda dalka Norway ayaa lagu dilay Dalka Syria bilihii ugu dambeeyay waxana warbixin dhawaan kasoo baxday wasaarada arimaha Dibada lagu sheegay in 50-dhalin yara ah ay kubiireen dhawaan dagaalada Syria.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: