Calendar

Xafiis baasa boorada Soomaaliga ah laga qaadanayo oo laga yagleeyay K/afika

BARTAMAHA – Wadanka Koofur Afrika ayaa Xalay waxaa si Rasmi ah Xariga looga Jaray Xarun laga qaadan Doono Baasa Borka Somalia kaas oo uu Furay Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Somalia Gen Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo Maalmahaanba ku sugnaa wadankaas Iyadoo Xaflad Balaaran lagu qabtay Xarunta Safaarada Somalia Ee Pretoria ku taala .

Xaflada oo ay ka soo qayb galeen mas,uuliyiin iyo sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida Ee Dalkaas ayaa waxaa ugu Horeyn ka Hadlay Qunsulka safaarada Somalia Ee Dalka K/Africa Ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Mirey isagoo Dowladda uga Mahad celiyay sida dowladu uga jawaabtay Codsiga Safaarada oo ahaa in Xarun baasa borka laga qaato laga furo Dalkaas .

Gen Gaafow Taliyaha Laanta Socdaalka oo isna Goobta xaflada ka hadlay ayaa waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed Ee Dalka K/Afrika ku nool ka Raali galiyay kulan ay u balansanaayeen in uu madaxweyne Xasan Sheikh la yeesho oo baaqday markii Qaraxyo ka dhaceen Xarunta baarlamaanka Somalia waxaana uu u gudbiyay Cudur Daar uu uga siday madaxweynaha .

Genanka ayaa waxaa uu sharaxay Muhiimada uu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed Ee K/Afrika Dagan Xafiiska laga Furay Pretoria waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay wixii hada ka dambeeya ay qaadan karaan Baasa Borka oo qiimo ahaan kacaya 110 dolar Sida uu yiri .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: