Calendar

Taliyihii Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool oo Ku Dhintay Qarax

Lasanod_townBartamaha LAAS CAANOOD — War deg deg ah oo naga soo gaaray magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in qaraxii maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi uu ku geeriyooday taliyihiin ciidanka Somaliland ugu sareeyey gobolka Sool.

Saraakiil sare oo katirsan maamulka gobolka Sool oo ku sugan Laascaanood ayaa u xaqiijiyey Bartamaha in taliyaha oo lagu magacaabi jiray Cismaan Yuusuf Nuur oo loo yaqaanay (Af-Dhilo) uu saaka abaare 9:00 subaxnimo ku geeriyooday qarax miino oo nooca meesha fog laga hago ah uu ku geeriyooday.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka hotel Dhiif oo ah qeybta Bari ee Laascaanood ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidanka Somaliland una qaabilsanaa amaanka Laascaanood, iyadoo uu burburay gaarigii ay wateen saraakiisha.

Ciidamo badan oo aan tiradooda la sheegin ayaa ku dhintey qaraxa iyaoo kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ugu horeeyey ayaa sheegaya in marka laga tago dhimashada labada sarkaal ay dhimashada kale gaareyso 10-neeyo halka dhaawacuna uu gaarayo ilaa 20-meeyo oo isugu jira dad rayidah iyo ciidamo la socday saraakiisha labadaah ee dhimatey.

Waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ku dhaawacmay rasaas tiro badan oo ciidanka ay fureen qaraxa ka dib, sida ay sheegeen goob joogayaal saaka waramay Bartamaha.

Waxaa xiran wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada oo ay ku jirto wadada laamiga ah, iyadoo magaalada soo galeen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo xiray wadooyinka.

Wararkaaya sheegaya in sidoo kale uu istaagay ganacsigii magaalada, waxaana bilawday baaritaano ay magaalada gaar ahaan goobta uu maanta qaraxa ka dhacay ka wadaan ciidamada maamulka Somaliland taasi oo cabsi ku abuurtay dadka degaanka.

Waa sarkaalkii ugu horeeyey oo ka tirsan Somaliland oo qarax lagu dilo gudaha magaalada Laascaanood tan iyo intii ay Somaliland ka qabsatey magaalada Puntland bishii October 2008.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: