Calendar

Wasiirada Gaashaandhigga ee dalka Ugandha iyo burundi oo maanta muqdisho soo gaara

Waxaa maanta magaalada muqdisho soo gaaray wasiirada gaashaadhiga dalalka burindi iyo ugaandha oo casuumaad ka helay dhigooda dalka soomaaliya.

Markii ay soo caga dhigteyn garoonka diyaaradaha aadan cadde waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda. waxaana markii dambe loo galbiyay Xerada xalane halkaasi oo ay kulamo kula qaadanayaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan halkaa. 

Crispus kiyonga. iyo jiroman nyoyanka wasiirada difaaca ugaandha iyo burundi ayaa ka warbixiyay safarkoda iyo muhiimada ay u yimadeyn magaalada muqdisho waxa ayna sheegen wasiiradda gaashaandhigga Ugaandha iyo burundi in ay u kuurgalaan xaaladda amniga iyo sida ay Muqdisho uga howlgalaan ciidamada nabad ilaalinta Amisom, iyagow  intaa ku daray in  ciidamo kale ku soo kordhindonaan ciidamada Amisom ee jooga Muqdisho.

Ugu danbentii Wasiirada difaaca dalalka burindi iyo ugaandha waxa ay gormeer gu tageen   qeybo ka mid ah fariisamaha ee ciidamada Amisom ee magaalada muqdisho saacadaha soo socda ayee ka amba bixi donaan muqdisho iyagow dib ugu labandoono dalalkowda.

Arintaan ayaa ka danbeesay kadib markii shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka kenya ee qodabadii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in ciidamada Amisom ee galbiso  gargaarka dadka abaaruhu ay sida daran u sameyeen ee ku dhibateysan gobalada dalka .

Xafiiska wararka bartamaha muqdisho

xasancarab05hotmail.com 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: