Calendar

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo Shir saxaafadeed qabtey

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa maanta ku qabtey shir saxaafadeed magaalada Muqdisho, Wasiirka ayaa ka hadley safarada Dawladdu ay ku kala bixiso wadanka Dibadiisa isaga oo difaacey safaradda tirada beelay ee madaxda u sareysa dalka ay ku kala bixyaan wadamada shisheeye.

Wasiirka ayaa sheegay, in dawladdu aysan haysan dhaqaale, isla markaasna aysan qaadin canshuur ay ku maareyso arimaha horyaala kuna taaba geliso maamul hagaagsan, soona celiso kala danbeyntii, taas ayaa ka liftey in aan aduunka u dawirsi tagno si loo helo dhaqaale aan wax ku fulino.

Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadley arimaha Burcad Badeeda, waxa uu eeda dusha ka saarey, dhaca joogtada ah ee lagu hayo kheyraadka umadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu sabab uga dhigey sunta sida bareerka ah loogu duugaayo badda Soomaaliya, qodobka kale ee aan aduunka kala soo hadalney waxa uu ahaa ayuu yiri in la sameeyo, ciidamo ilaalilya xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ka hawl gala dhanka beriga iyo Biyahaba.

Wasiirku waa markii u horeysey ee uu dib ugu laabto Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu xilka qabtey bishii febaraayo.wasiieka

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: