Calendar

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo maanta deeq lacageed gudoonsiisay dad bukaan ah

IMG_116127.02.2011——–Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta deeq lacageed gudoonsiisay Bukaanada ku jira Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho, waxaana Wasiirka ku wehelinayay qeybinta lacagtan Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Mudane Dr. Maxamuud Sheekh Xasan (Akhi), Xiiriyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo urur goboleedka IGAD Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) iyo weliba qaar ka mid ah gabdhaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Lacagtan oo ay tiradeedu dhameyd 30 Milyan oo Shillinka Soomaaliga ah ayaa waxaa la guddoonsiiyay ku dhowaad 200 oo Bukaan oo ku jira Isbitaalka Madiino waxaana mid mid loogu gacangelinayay iyaga oo jiifa sariirahooda.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahro M. C. Samatar ayaa u sheegtay weriyeyaasha inay booqasho gabaan ugu yimaadeen Bukaanada ku jira Isbitaalka iyaga oo ka wakiil ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ula qeybsadaan dareenkooda isla markaana ay soo gaarsiiyeen lacag “Xukuumadeenu aad ayay uga xuntahay dhibaatooyinka maalin kasta soo gaaraya shacabkeena, waxaana idiin cadeyneynaa in dowladdu ay dalka ka saari doonto kooxaha nabadiidka ah oo dhibaatada ku haya shacabka” ayay tiri Sahro oo intaasi ku dartay inay Alle uga baryayaan in inta dhimatay u  naxariisto kuwa dhaawaca ahna Caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoonsiinta deeqdan ayaa waxay ku soo beegantay xilli dhaawacyo tiro badan la dhigay todobaadkii ugu dambeeyey Isbitaalka Madiino maadaama ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya wadano dagaal ka dhan ah kooxaha nabadiidka ah.
–

Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: