Calendar

dad maydad kooda biyaha laga soo helay kadib markii uu ladagay markab ay saarnaayeen

Hawlgalka lagu soo saaraya meydadka rakaabkii saarnaa markabkii arbacada degay ayaa wali socda.

 

Qaraabada tiro kor u dhafeysa 250 qof oo raqdood iyo ruxoodba layaway kadib markii uu la dagay markab ku dhex dagay biyaha bada malintii arbacada

Markabkan oo laga lahaa wadanka kooriyada konfureed markabkan aya waxay isku dheceen ciidamada booliska inta usan dagin,

Xubnaha qoysaska dadka la la’yahay oo ka carooday sida gaabiska ah ee uu u socda hawlgalka baadigoobka ayaa dalbanayay in la soo saaro meydadka eheladooda ee ku dhex xanniban gudaha burburka markabka.

Habeennimadii xalayto, bad-maaxiinta baadigoobka ugu jira meydadka ku dhex xanniban gudaha markabkaasi ayaa markii ugu horreysay waxa ay soo saareen meydadka 17 qof oo hor leh, kaddib markii ay ku guulaysteen in ay gudaha u galaan markabkaasi.

Ilaalada xeebaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in bad-maaxiintu aysan sheegi karin goobta gaar ahaan ay meydadkani ka soo saareen sababo la xiriira aragtiga gunta hoose ee biyaha oo aad u xun.

Ilaa haatan 49 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen

 

Comments

comments

Category : Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: