Calendar

Duqeymo xalay ka dhacay Muqdisho

Madaafiic ayaa xalay abaarihii 1-dii habeenimo ku soo dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn halka jiho ahaan laga soo tuuray.

Bartilmaameedka madaafiicdan ayaa ahaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana nawaaxigeeda ku soo dhacay tiro hoobiyeyaal ah.

Inkastoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda, hadana madaafiicdan ayaa ah markii labaad oo lagu garaaco qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya dalka ka maqan tahay.

Hal qof oo ah hooyo dhashay afar caruur ah ayaa ku dhimatay, halka afarta caruur kalena ay ku dhaawacmeen madaafiicda.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay abaarihii 1-dii uu madfac ku soo dhacay nawaaxiga Xarunta degmada Wardhiigley, ayna jiri karaan qasaare intaa ka badan.

Muqdisho ayaan ku cusbeyn maqalka madaafiicda, inkastoo dadku aysan in mudo ah dhagahooda ku soo dhicin hugunkii madaafiicda, oo magaalada ay joogto ka aheyd xilligii ay aagaga dagaalka aheyd inta aan laga saarin Al-Shabaab

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: