Calendar

Al’shabaab oo wiil dhalinyaro ah ku gowracey Duleedka Kismaayo.

Alshabaab ayaa wiil dhalinyaro ku gowracey Duleedka Magaalada Kismaayo Xili uu kusii Jeeday magaalada Kamsuuma ee Gobalka jubbada Hoose.

Marxuumkaan la gowracay ayaa kooxda alshabaab kale dageen gaari uu saarnaa kadib markii ee ka haleyn kaarka Aqoonsiga Shaqaalaha dakada Kismaayo oo uu marxuumka kamid ahaa.

Al’shabaab oo sheegtay in wiilkaan dhalinyarada ah kamid ah jaajuus u shaqeeyo maamulka kismaayo Islamarkaana darwalkii Gaariga wadey ay ku amreyn in uu dhaqaaajiyo isaga iyo rakaabkii gaariga sarnaa.

Alshabaab oo caadeysay had iyo jeer in ay gowracaan Qofkii ee kaga shakiyaan ama cadeymo in dowlada uu la shaqeeyo ku arkaan taasi oo aan aheyn mid  aan diinta Islaamka ah loo adeegsan.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: