Calendar

SAWIRRO: Ururka Kubadda cagta Adduunka oo Muqdisho tababarro ku siiyay dhalinyaro iyo macallamiinta kubadda cagta

Ururka kubadda cagta ee adduunka FIFA ayaa ku tababaray Muqdisho garsoorayaal iyo ciyaartoy Soomaaliyeed oo ay tiradoodu ahayd 330, waxaana tababarkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay muddo 20-sano ka badan oo FIFA ay xubno Isboorti ku siiso Muqdisho.

Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa wuxuu qayb ka ahaa qorshe ay FIFA ku doonayso inay ku horumariso isboortiga Somalia, iyadoo ay ka faa’iideysteen 30 tababare iyo 300 oo caruur Soomaaliyeed ah.

Intii uu tababarku socday ayaa waxay tababarayaasha Soomaaliyeed ku qaateen xirfado la xiriira xirfadaha kubadda cagta, iyadoo lagu tilmaamay in tababarkan uu ahaa mid lagu horumarinayo ciyaaraha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ulric Mathiot oo ah tababare ka tirsan FIFA oo ka yimid Seychelles ayaa u sheegay warbaahinta in tababarka ay bixiyeen uu ahaa mid wanaagsan oo qayb ka qaadanaya horumarka isboortiga Soomaaliya.

“Hadda waxaan rajeynaynaa in xiriirka kubadda cagta Somalia inay leeyihiin aragti iyo qorshayaal fog oo dhinaca isboortiga ah, waxaana rajeynaynaa in Soomaaliya ay noqoto dal dunida ka muuqda,” ayuu yiri Mathiot oo intaas ku daray:

“Dhab ahaan waxaan rajeynaynaa inay soo baxaan carruur Somali ah oo leh xirfado wanaagsan oo dhinca kubadda cagta ah.”  FIFA ayaa u hakisay tababaridda ciyaartoyda Soomaaliyeed 22-kii sano ee la soo dhaafay sababo la xiriira dagaalladii ka socday dalka, iyadoo markii ugu dambeysay ee Muqdisho lagu tababaro ciyaartoy iyo tababarayaal Soomaaliyeed ay ahayd sannadkii 1986-kii, balse hadda ayay dib u billaabeen tababaridda ciyaatoyda Soomaaliyeed taasoo si aad ah loo soo dhaweeyay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: