read more »">
Calendar

Ciidamada dowlada KMG oo si buuxda ul wareegay gacan ku heynta magaalada Beledxaawo

Wararka naga soo garaya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlusuna ay sacado ka hor la wareegeen gacan ku heynta gabi ahaanba  degmada Beledxaawo,iyagoona la sheegay inay kula wareegeen dagalo ay saakay ku soo qaadeen ciidamdii Shabaabka ee halkaasi ku sugnaa.

Wararka ayaa intaasi waxey ku darayaan in magaalada haatan ay si buuxda gacanta ugu gashay ciidmada dowlda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna,iyadoona ciidamdii Shabaabka ay isaga baxeen guud ahaan magalada.

Dagaalka saakay ay ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlu-Sunna kula waregeen mgaalada ayaa u muuqday mid aad u qorsheysan madaama ay jihooyin kala duwan ka soo galeen ciidamada Dowlada KMG mgaalada,iyagoona si fudud ula wareegay gacan ku heynta magaalada.

Waxaana dadka magaalada ay sheegayaan inuu dagaalka ahaa mid yara culus oo dhibato weyn u geystay ciidamdii Shabaabka ee halkaasi laga buriyay.

Dhinaca kale waxaa la xaqiijiyay in in ka badan 12 qof oo shabaabka ka tirsanaa meydkooda lagu arkay wadooyinka magaalada.
Ku simaha  gudoomiyaha gobolka Gedo maxamed c/kaariin oo warbaahinta la hadlayay ayaa xaqiijiyay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada,isla markaana ay jab weyn gaarsiiyeen shabaabka.

Sidoo kale waxuu maxamed c/kaariin sheegay inay hayaan ciidamo ka tirsan Alshabaab oo ay ku qabteen dagaalkii saakay,isagoona xusay inay ka badanyahiin toboneeyo goor dhawne ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan.

Waxii war ah ee ku soo kordha xaalada magaalada Beledxaawo kala soco www.Bartamaha.combeled-xaawo

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: