Calendar

Ciidamada Ethiopia oo soo gaaray Deegaanka Kala-Bayr Ee Gobolka Hiiraan.

Bartamaha(Kala-Bayr):-Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo watay gaadiidak dagaalka ayaa manta soo gaaray Deegaanka Kala-Bayr Ee Gobolka Hiiraan oo dhawaan ay isaga bexeen.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen Deegaanka Kala-Bayr Ee Gobolkaasi Hiiraan iyadoo Xaalad cakirnaan ah ay ka jirto Deegaankaasi.

Ciidamada ka socda Dowlada Ethiopia ayaa waxa ay dageen fariisinkoodii hore Ee Deegaanka Kala-Bayr oo ay dhawaanahan ka maqnaayeen halkaasi oo ay durbaba ka bilaabeen baaritaanka gaadiidka iyo dadka saran.

Rag ku sugan deegaankaas ayaa sheegay in ciidamadu ay ku dageen goobo badan oo ku dhow Isgoyska, ayna saldhig weyn ka sameysteen halkaas, iyagoo baaris xoog ku haya gaadiidka u socda iyo midka ka yimaada Baladweyne.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: