Calendar

Gudoomiyaha Gobolka Sool oo dhaawac uu ka soo gaaray qarax Miino oo manta loo dhigay.

Bartamaha(Laascaanood):-Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa manta ka badbaaday isku day Dil markii Miino lala beegsaday ay dhaawac u geystay gudaha Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Wararka laga helaayo Magaal;ada Laascaano ayaa sheegaya in qarax Miino manta lala beegsaday Gudoomiyaha Gobolka sool kaasi oo dhaawac iyo dhimasho badan sababay.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday gaari uu watay Gudoomiyaha Gobolka Sool xilli uu marayay bartamaha Magaalada laascaanood iyadoo qasaara kala duwan uu ka soo gaaray gaarga uu watay gudoomiyaha iyo dadkii saarnaa.

Illaa 2-qof ayaa la sheegay in qaraxa ay ku dhimatay 4-kale oo uu gudoomiyaha Gobolka Sool ku jirana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray ka dib qarax manta lagula beegsaday gudaha Magaalada Laas-Caanood.

Qaraxyada ka dhacaya Magaalada laascaanood ayaa waxa ay noqonayaan mid wax badan kla badasha ammaanka guud Ee Gobolka Sool iyadoo su’aalo badan ay ka taagantahay cidda sida rasmiga ah uga danbaysa qaraxyada ka dhacaya Gobolka Sool.

 

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: