Calendar

Ciidanka PS-ta oo caawa qof shacab ah ku dilay magaalada Bosaso

Bosaso _ Ciidamada loo yaqaano PS-ta ayaa fiidkii Caawa magaalada Bosaso ku dilay nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay C/casiis, kadib markii gaari uu watay ay ka shakiyeen.

Dad goob joogayal ah ayaa noo sheegay in ninka ladilay oo watay gaari nooca loo yaqaano saarufta uu sikadisa uguso dhacay faarisin ay ciidaku ku leeyihiin xaafada Saantoos, kadibna ay rasaas ku fureen.

AUN Marxuumka dhintay ayaa dhowr xabadood oo ugasoo dusay gaarigi uu watay ay kahaleelen meelo kamid jirkiisa sidaasina uu ku geeriyoday.

Ciidanka ayaa la sheegay inay ka shakiyeen in gaarigu uu gudaha usoo galo fariisinkooda waxaana meesha uu falkani ka dhacay loo maraa Madaxtooyada magaalada Boosaso.

Ilaa iminka majirto cid ka hadashay dilka caawa loogu gaystay magaalada Bosaso ninkaan shacabka ah , inkastoo ay muuqanayso in si kadisa uu ku dhacay falka dilka ah.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: