Calendar

Madaxweynaha Puntland oo Kaqaybgeli Doona Aaska Qaran ee Muqdisho loogu Samaynayo Ra’iiusl wasaarihi hore

Garowe _ Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu horkacayo ayaa lafilayaa in saacadaha soo aadan ay udhoofaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.

Ujeedada safarka Madaxweynaha iyo Wafdigisa ay ugu ambabixi doonaan Muqdisho ayaa lagu sheegay sdii ay uga qaybgeli lahaayeen Aas qaran oo muqdisho loogu samaynayo Ra,isuul wasarihi hore Somaliya AUN Cabdirisaaq Xaaji Xusseen.

Aaska Marxuumka ayaa kadhici doona magaalada Muqdisho waxaana kaqaybgeli doona madaxada sare ee Somaliya, Madaxweynayasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana maalinta Beri ah Maydkisa lagasoo dhoofin doona magaalada Minneaplis ee dalka Maraykanka.

Dhinaca kale warar lagu kalsoonan karo oo aanu helayno ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdiweli Gaas uu Muqdisho kulan gaara kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud , kaasi oo ay uga wada hadli doonaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland oo maanta kahor hadlayay Baarlamanka Puntland aya sheegay in dowladisu ay xiriir wanagsan lasamayn doonto dowlada dhexe Soomaliya.

B

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: