Calendar

Cismaan Xasan Cali (Caato) oo ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Osman-AttoSiyaasiga Caanka ahaa Cismaan Xasan Cali Caato ayaa galabta gabbal dhicii si kedis ah ugu geeriyooday Hoygiisa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,geerida ku timi Alla ha u naxariistee Cismaan Xasan Cali Caato oo ahayd kedis ah ayaa waxaa ka tacsiyeeyey wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Cismaan Caato ayaa la sheegayaa inuusan jirin xanuun hayey oo sababay geeridiisa,waxaana la tilmaamay in galabta uu Cismaan dareemay xannuun aan sidaas u buurneen,eheladiisa ayaa inoo sheegay in  Cismaan Xasan Cali Caato uu naf baxay 4tii galabnimo,mana aysan sheegin xanuun uu u geeriyooday,balse waxaa la sheegay inuu qabay xanuunka dhiig karka.

Madaxweynaha maamulka Galmudug jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo kamid ah dadka ay sida weyn usoo wada shaqeeyeen Marxuum Cismaan Caato ayaa ka tacsiyeeyey geerida naxdinta lahayd ee ku timi Cismaan Caato.

Jen.Cabdi Qaybdiid  ayaa sheegay ineysan Cismaan Siyaasadda isku baran balse ay qaraabo yihiin ilaa Carruurnimadiina ay is yaqaaneen,wuxuuna ku sifeeyey inuu ahaa nin deeqsi ah oo gacan furan.

Madaxweyne Cabdi Qaybdiid ayaa ka waramay waxyaabaha lagu xasuusan doono Cismaan Caato,wuxuuna tilmaamay in Cismaan waxyaabaha aan lagu ilaawi doonin iney ka mid tahay dhismaha garoomada dalka marka laga reebo garoomada waaweyn,wuxuuna intaa ku daray inuu siyaasadda kusoo jiray muddo 25 sano.

Wuxuuna sheegay in Cismaan uu dhisay garoomo ay ka mid yihiin,Garoonka diyaaradaha Waajid,Lambar 50,Dayniile,Cisaley,garoonka diyaaradaha degmada  Caabudwaaq,garoonka Cadaado iyo mid uu hadda ku hawlanaa dhismihiisa oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taariikh Kooban

Cismaan Xasan Cali Caato ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiintii ururkii USC ee dagaalka la galay dowladii dhexe ee uu hogaaminayey Alla ha u naxariistee Madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre,Cismaan ayaa kamid ahaa dadka ay sida weyn isugu dhawaayeen Jen.Maxamed Faarax Caydiid.

Cismaan Caato ayaa gacanta u galay Ciidamadii rajo soo celinta Soomaaliya ee  Qaramada Midoobay UNISOM ee Maraykanku uu horboodayey  Sagaashamaadkii kuwaas oo ay dagaal kala hortageen Jabhadii USC SNA ee Jen.Caydiid,UNISOM ayaa Caato ku eedeysay inuu yahay Maalgaliyaha Jen.Caydiid.

Balse waxaa dib loosii daayey kadib markii ay UNISOM iyo Caydiid gaareen is afgarat keenay Isdhaafsi Maxaabiis,Cismaan caato ayaa muddo yar kadib waxa ay Siyaasadda ku kala irdhoobeen jen.Caydiid,iyagoona dagaal uu dhex bilowday kadib markii Cismaan Caato uu ka biyo diiday dowladii Sal-balaadh ee uu dhisay Jen.Maxamed faarax Caydiid dagaal ayaana dhexmaray labadooda kaasoo sababay ugu danbayntii in Jen. Caydiid uu ku boxo dagaalkaasi.

Cismaan ayaa ku lug lahaa ganacsiga,wuxuuna Muqdisho ku lahaa Garaasho iyo gaadiidka dhismaha garoomada iyo mashaariicda kale loo adeegsado,Dowladii kumeel gaarka ahayd ee lagu dhisay kenya ayuu Cismaan ka noqday Xildhibaan isagoona markii danbe wasiir ka noqday,ilaa dhammaadkii sanadkii hore Cismaan ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii baarlamaankii ku meelgaarka ahaa.

Cismaan Caato oo ka mid ahaa hogaamiyaashii dagaalka oo loo aaneeyo iney horseed ka ahaayeen dhibaatada weyn ee ku habsatay ummadda Soomaaliyeed ayaa mar la weydiiyey dhawaan sida uu u arko talaabooyinkii ay dalka ka gesyteen rag uu ka mid yahay ayuu sheegay inuu ka xumaado marka uu dib u jaleeco wixii ay ummada u horseedeen,wuxuuna sheegay inuu u xuub siibtay nin nabada taageera oo ka qoomamaynaya wixii hore  u dhacay iyo dagaaladii sokeeye eeuu ku lugta lahaa oo umadda dhaxal siiyey dhibaatada ay maanta ku jirto.

Cismaan Xasan Cali ayaa  ifka kaga tagay 26 Carruur ah oo uu dhalay oo 9ka kid ah ay  Gabdho yihiin halka  iyo 17 ka kalane ay wiilal yihiin,Alla ha u naxariistee Cismaan Xasan Cali Caato ayaa ugu danbayntii galabta si kedis ah ugu  geeriyooday hoygiisa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

RBC Radio

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: