Calendar

Cudur ka jadeecada oo 9 caruur ah ku dilay Shabellaha dhexe

BARTAMAHA – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Tuulooyin Hoostaga Degmada Jowhar uu ka Dilaacay Cudurka Jadeecada.

Ilaa Saddex Tuulo oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe Islamarkaana Cudurkaasi Jadeecada uu ka dilaacay ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen 9 Caruur ah oo Cudurka Jadeecada uu ku dhacay.

Mid kamid ah Haweenka ku nool Gobolka Shabellaha Dhexe oo la hadashay Idaacada Kulmiye ayaa sheegtay in Caruur Gaareeysa Sagaal Ruux ay Cudurkaasi u geeriyoodeen.

Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe wali wax war ah kama soo saarin Cudurkaasi Jadeecada ee ka Dilaacay Gobolkaasi Shabellaha Dhexe.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: