Calendar

Muwaadiniinta Maraykanka oo looga digay inay Tagaan Jabuuti

BARTAMAHA – Wasaaarada arimaha dibada dowlada mareykanka ayaa soo saartay digniino ay ujeedineeso muwaadiniinteeda kusugan dalka jabuuti oo ku ‘aadan weeraro argagixiso, waxayna ugu baaqeesaa kuweeda doonaya iney dalkaasi usocdaalaan iney taxadar muujiyan kadib weeraro argagixiso oo laga cabsi qabo in halkaasi ay kadhacaan oo ay qaadaan alshabab.

Warka kasoo baxay wasarada ayaa lagu yiri “wey sii socdaan warbixinada uu mareykanku helayo ee kusaabsan in ay soo wajahanyihiin weerarada argagixiso ee kadhanka ah shaqsiyaadka mareykanka ah ee kusgan qaarada Africa .”

24 may laba weerar oo isqarxin ah ayaa lagu qaaday maqaayad kutaala dalka jabuuti halkaa oo ugu yaran 1-ruux uu kudhintay kuwo kalana ay kudhaaaawacmeen.

Ururka Alshabab ayaana sheegtay masuuliyada weerarkaasi ,waxaana jirta in cabsi laga muujinayo weeraro kalle oo kadhaca dalkaasi jabuuti .

Ugu dambeyntii shaqalaha mareykanka ee saafarada jabuuti iyo muwaadiniinta mareykanka yaa looga digayaa iney iskugu yimaadaan halka bulshadu ay ubadantahay sida maqaayadaha hotelada iyo goobaha kalle.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: