Calendar

C/wali Max’ed Cali “Ahlusunna Waljameeca Siyaasad ahaan Dowladda Ayee ka tirsanyihiin Laakiin ….”

ahlu_sunaah1_175457616

Bartamaha:Wasiirka qorshaynta Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumada Dowladda FKMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali ayaa sheegay in Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ay Siyaasad ahaan ka tirsan yihiin dowladda laakin magac ahaan ay la baxeen Ahlusuna Waljamceeca.

Mar uu BBC-da la halday Wasiirka isagoo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa qiray in Ahlsuna waljameeca ay isku mooqif yihiin Dowladda islamarkaana ay ku tala jiraan Qorshaha Ee Dowladda ku sifeysanyso Ciribrtirka Meleeshiyaadka Shabaab oo ay haatan Gobolo badan Ee ka Ceyriyeen Shabaabka.

” Ahlusunna Waljameeca waxay u jiraan Magac ahaan Laakin Siyaasad ahaan waxay ka tirsan yihiin Dowladda FKMG Soomaaliya ayee taabacsanyihiin” ayuu usheegay Wasiirka Laanta BBC-da.

Wasiirka qorshaynta Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumada Dowladda FKMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali ayaa ku faanay in la gaaray xilligii Mucaardaka Shabaab laga saari lahaa dhamaan Goobaha haatan faraha ugu jirto isagoo sheegay in haatan Dowladda iyo Ciidamaad Nabad Ilaalinta ujoogo Soomaaliya ay gaareen guulo waaweyn kadib markii ay qabsadeen Xarumihii Shabaabka weerarada kasoo qaadi jireen waa sida uu haadlka u dhigay wasiirka.

Hadalka Wasiir C/wali Max’ed Cali ayaa kusoo beegmaya Xilli Culumada Ahlusna Waljameeca iyo Dowladda FKMG Soomaaliya uusan ka dhaxayn xariir wanaagsan haddana ay la dagaalamayaan Meleeshiyaadka Shabaab.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: