Calendar

Maxaa kala heysto Manchester United Vs Asrenal (Warbixin Dheer)

Shakra1

Waxaa Maanta kulan ay dadweynaha falaaqeeyaya  arimaha Sportska ay sugi la’yihiin kulanka darbyga ah Ee dhax mari doono Kooxaha ugu tunka weyn Horyaalka England Ee Premersihipka oo maanta ciyaar adag oo ka tirsn FA Cupka kuwada kulmi oono Garoonka Manchester United Ee Old arford.

Markii ay kulmaan Labadani Naadi Ee The Gunnerska iyo Red Devilska waxaa la waayaa kursi laga fariisto garoonka dhaxdiisa maadaama uu kulankan ka mid yahay Kulamada ay Reer Lonodon iyo Caalmaka ugu jecelyihiin marka ay fooda isdarayaan.

Kulankan Maanta ka dhici doono Garoonka Old Traford ayaa ka mid ah Kulamada FA Cupka waxaana isha lagu hayaa in kulankan uu noqon doono mid buuq iyo sawaaxn la fili karo daqiqad walba inta ay socoto ciyaarta.

Nani, Ferdinand iyo J.S. Park oo ka mid ah laf dhabarta ay ku duusho Manchester United ayaa seegi doono kulankani taasi oo  farxad weyn u noqon doonto Ciyaartoyda Da’da yar Ee Arsenal oo looga bartay sanadihii ugu danbeeyay inaysan la hoyaadin wax Koob ah

Febregas ayaa la xaqiijiyay  inuu safan karin kalankani maadaama uu qabo dhaawac kasoo gaaray Kulankii Barcelona ay Tarainka Koobka Uefa Champions Lague kaga tuurtay Naadiga uu Macalinka u yahay Arsena Wenger Ee Arsenal.

Daafaca birta ah Ee Manchester United u ah hogaamiyaha Naadiga Ee Vidic ayaa la filayaa inuu safto Kulankan adag halka Arsenal ay usafan doonaan Ciyartoydii Dhaawaca ku ciyaaraye Kuaankii Barcelona sida, Van Persia iyo Wiilka 19sano jirka ah Ee Wilshare.

Imisa Jeer Ayee ku kala Guuleysteen Koobka FA Cupka United and Arsenal.

Inta la ogyahay Taariiqda Koobka FA Cupka Naadiga Manchester United iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha ugu guuleysiga badan Koobka FA cupka,

Manchetser United ayaa faraha ku dhigtay 11 Jeer halka Kooxda Arsenal ay la hoyaaday 10 jeer Koobka FA Cupka waxana u dhaxeeya hal Koob ay ay sarayso Naadiga Red Devisla.

Weyn Rooney iyo Van Persia Ciyaartoda laga Cabsi qabo Kulankan inay Saameeyn ku yeeshaan Daafacyada Labaad dhinac.

Shaki kuma jira in Labadan Weraryahaan kaalin weyn ka qaadan karaan Kulankani FA Cupka, maxaa yeelaya waa Labada weeraryahaan Ee goolsha ka sugayaan Labada dhinac.

Weyn Rooney oo u dhashay Xulka England ayaa ah Lafdhabarta ee ku duusha Kooxda Manchester United waxa la fishaa inuu Goolal dhalin karo marka uu la ciyaarayo Kooxda Asrenal taasian waxay dhacday marar badan oo ugu danbaysay sanadkii tagay.

Van Persia waa Weeraryahaan bidixdisa darbo xoogan ka baxdo isagoo intabadan ku ciyaaro Farsamo waabis ah, waa Ciyaaryahaan ay jecelyihiin Taageerayaasha Arsenal.

Xidigan u dhashay Waddanka Holland waxu leeyahay xanaaq aad u yaab badan, ma lahan dulqaad marka uu Garsooraha ciyaarto ka dhigo qalad ciyaartoda Arsenal.

Ryan Giggs ayaa dhaliyaya mid ka mid ah Goolashii ugu quruxda badnaa Ee Koobak FA Cupka la ciyaaray waxuuna Goolkaasi  ka dhaliyay Naadiga Arsenal Sanadkii 1999, ma hilmaami doonaan Goolkasi Taageerayaasha Kooxda The Gunnesrkla.

Kulamadii ugu Danbeeyay Ee Kulmaan Yaa Awood Ronaaday?
Labadani Naadi e Manchester United iyo Arsena waxay Koobkani FA Cuplka ku kulmeen 13 Jeer, United ayaa awood roonaaday 6 Jeer, halka Arsenal ay awood roonaatay 5 Jeer ay awod roonaatay Arsenal, 2 Jeerna bareejo aye galeen.

Manchester United ayaa afka ciida u dartay Arsenal 8dii kulan Ee ugu danbeeyay  Ee ku Ciyaaraan Garoonka Old Traford Stadium Eek u ciyaarto Naadiga Unitedka.

Arsenal wali lama ciyaarin Koox Horyaalka Premerishipka ka tirsan waxuuna kulankani u noqanayaa kii ugu horeeyay Ee la kulanto Koox heerka sare ah, waxayna Arsenal Laba jeer ciyaartay Labo lug kadib markii ay bareejooyin la gashay Kooxaha Leton iyo Leeds.

Haddaba  Dadweynaha ka hadlay kulankaani ayaa intabaadn guusha u sadaaliyay Naadiga Manchester United ay fara ciddi leh kaga awood roonaan doonto Kooxda Arsenal halka quburo kale ay sheegeen in Arsenal ay guul lagu faani karo ka gaari karto Kooxda Unitedka oo iskudiyaarinayso kulnak Uefa Champions League.

C/Qadar Shakra

Uganda-Campala

Comments

comments

Category : Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: