Calendar

Dagaal Xoogan oo Xalay iyo Saaka ka kala dhacay inta badan Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

5174Bartamaha(Muqdisho):- Dagaallo qorsheysan ayaa Xalay Islaamiyiinta Shabaab ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ee guud ahaan Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmooyinka Hodon,Howl-wadaag,Wardhiigley,Boondheere,Shibis,Kaaraan iyo C.Casiis oo ah dhammaan goobaha ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Dagaalka Xalay dhacay ayaa haa mid qorsheysan iyadoo dhammaan mnar qura la beegsadau goobaha ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom iyo Alshabaab oo dagaalka dhankeeda qaaday.
Xiliga dagaalka dhacayay ayaa waxa uu ahaa abaara 2:00-saqda dhexe xiligaasi oo dadka ay ahaayeen kuwa hurda balse Madaafiic iyo rasaas at hurdada uga soo tooseen.

Dagaalkaasi ayaa saamayntiisa dhammaan magaalada Muqdisho laga dareemay iyadoo saaka uu dagaal kale ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama Muqdisho.

Isku soo duube natiijada dagaalka Xalay iyo Saaka dhacay ayaa waxa uu noqday dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah gaartay oo kaliya wallow qasaara uu kala gaaray labada dhinac maadaama rasaasta aanay dhulka kaliya ku dhacaynin.

Shacabka dhintay xalay iyo saaka ayaa gaaraya 15-qof iyadoo dhaawacyada ay ahaayeen kuwa illaa duhurnimadii maanta isbitaalada la gaynayay waxaana qiyaastoo la sheegayaa dhaawaca in uu gaarayo 25-qof wallow ay labada dhinac ku kala jiraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: