Calendar

Ugandha iyo Burudi oo ka tashanaya kali noqoshada howlgalka Soomaaliya.

Bartamaha(Kampala):-Dowladaha Ugandha iyo Burundi ayaa ka tashanaya howlgalka dalka soomaaliya oo ay labadaasi dowladooda ku kali noqdeen.

Wakaalada Wararka shiinaha Ee Shinwa ayaa qortay in uu sargaal ka socday Ciidamada Ugandha qiray wehel la’aan ku soo wajahday howlgalkooda dalka soomaaliya.

Sargaalka lagu magacaabao Gen:Aronda Nyakairima ayaa sheegay Shinwaa u sheegay inay ka fiirsanayaan si qoto dheer in Ciidamo hor leh u soo diraan Dalka Soomaaliya, si ay u difaacaan Dowladda KMG ee Soomaaliya oo weeraro kala kulmaysa Islaamiyiinta.

Dowlada Ugandha iyo Burindi ayaa waxa ay yihiin kuwa haatan ciidamadooda ay dagaalo kala kulmaan Mucaaradka Islaamiyiinta ah oo aan inta badan kala reebin joogitaankooda islamarkaana dagaalo joogta ah la beegsada Ciidamada labada Dowladood.

Labada Dowladood Ee Ugandha iyo Burundi ayaa waxa ay noqdeen kuwa kali noqday oo aan helin gacantii ay uga baahnaayeen Wadamada kale ee Afrika oo looga fadhiyay in ay ciidan u soo diraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: