Calendar

Dagaalo ku dhexmaray gobolka Bakool ciidanka Itoobiya iyo kuwa dawlada oo dhinac ah iyo Alshabaab

kismaayo bartamahaDagaalo Qasaaro geystay una dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Militariga ee Itoobiya iyo kooxda AlShabaab ayaa waxaa uu Xalay ka dhacay Degamada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid sida Dadka Degaanka ay u sheegeen warbaahinta markii Xalay Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Magaalada Halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Itoobiya.

Dagaalada oo ahaa kuwo culus ayaa waxaa barbar socday Madaafiic intabadan ku dhaceysay gudaha Magaalada Ceelbarde kuwaasi oo qasaaro gaarsiiyay dad rayid ah inkastoo wali aan si rasmi ah loo ogeyn.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in uu qasaaro xoogan gaaray dhinacyadii ku Dagaalamay Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool inkastoo aan si dhab ah loo shaacin qasaarahaasi.

Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay Dagaallo qorsheysan oo meelaha qaar ku dhexmarayay Ciidamo ka wada tirsan ku Dowladda Soomaaliya iyo Dagaal yahano hubeysan oo ka mid ah kooxda Al Shabaab.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: