Calendar

Gabar Soomaaliyeed oo qiratay inay taageero siin jirtay Alshabaab

mn 223-jirtaan ayaa lagu Magacabaa Saynab Hussein,waxayna Maxkamad Mareynkanka ku taalo gaar ahaan Minneapolis ka hor qiratay inay caawin jirtay Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya,iyadoona si gaar ah u qiratay sida Dacwad Oogayaal Mareynkan ah sheegeen inay horay Been Maxkamada ugu sheegtay.

Kiiska Haweeneydaan ayaa in Mudo ah soo socday,iyadoona horay u been ugu sheegtay Maxkamada oo ku aadan inaysan ku lug lahayn Eedeymahan loo jeediyay,Inkastoo Maxkamada hada sheegtay Saynab Hussein hada danbigeeda ay qiratay.

Saynab Hussein ayaa danbigeeda ku aadan inay taageero Balaaran siin jirtay dhalinyarada ka safreysa Mareynkanka iyo inay dhanka Maaliyada ka caawin jirtay Al-shabaab ka hor qirtatay Maxkamad Federaal ah oo ku taalo Minneapolis.

Seynab Hussein ayaa ah ruux Uur leh oo xaamilo ah, iyadoona ah ardayad dhinaca Caafimaadka wax barata, waxayna wajahday Xukun ah shan sano oo xarig ah,laakiin Waqtiga Xukunka uu dhacayo wali lama shaacin.

Soomaalida ku dhaqan Mareynkanka gaar ahaan Miniyaabolis ayaa inta badan waxay ka soo socdaalaan dalkaasi Mareynkanka iyagoona u soo dagaal doonanay Soomaaliya si ay kaga bar bar dagaalamaan Al-shabaab.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: