read more »">
Calendar

Dowlada KMG Soomaaliya oo wado qorshayaal ay shacabka Muqdisho ku garab istaagayaan ciidamadeeda

kRa’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay inay haatan wadaan qorshayaal ay ka mid yahiin sidii shacabka Muqdisho ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada dowlada KMG ee dagaalka kula jirta Alshabaab.

Ra’iisul wasaaraha oo wareysi gaar ah siinayay RadioMuqdisho ayaa sheegay in shirkii shalay ay isugu yimaadeen golaha wasiirada loogu hadlay sidii shacabka Muqdisho ay u garab istaagi lahaayeen xukuumada KMG.

” Waan ka warqabnaa in shacabka Muqdisho ay na tageersanyahiin,wana hubaa taasi,waxaan rarajeynaa inay na garab istaagaan..” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli isla maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir weyne lagu taageerayo howlgalada ay ciidamada midowga afrika iyokuwa dowlada ay ka wadaan guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya,iyagoona ujeedaka ay tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka.
,

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: